U bood dhigaalka

Madaxweyne Xasan Sheekh iyo Guddoomiye Abshir Axmad oo Gaaray Garoowe

Sheeko:Amniga

Waxaa Goordhow magaalada Garoowe ee xarunta Puntland gaaray madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo guddoomiye ku xigeenka 1-aad ee golaha aqalka sare Abshir Maxamed Axmed.

Wafdigan oo ku biiraya madax halkaasi horay u joogtay sida madaxweynaha maamulkaasi Saciid Deni, madaxweynaha Galmudug Axmed Qoorqoor, guddoomiyeyaasha labada aqal ee baarlamaanka federaalka ah, murashaxiinta madaxweynaha Soomaaliya iyo bulshada rayidka ah ayaa lagu wadaa iney ka wada hadlaan arrimaha Soomaaliya iyo sidii looga bixi lahaa xaaladda cakiran.

Garoowe waxaa ka socda  kulan ay qabatay Heritage Institute  oo looga hadlayo amniga, dhameystirka dastuurka, qof iyo cod 2021 iyo federaalka ah.

Goobjoog News