U bood dhigaalka

Madaxweyne Xasan Sheekh Iyo Mas’uuliyiin Kale Oo Gaaray Baydhabo

Sheeko:Dalka

Magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay waxaa ku qulqulaya madaxda dalka kuwaasi oo halkaa uga qeybgalaya shirka madasha wadatashiga qaran.

Madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa gaaray magaaladaasi iyadoo si aad ah loo soo dhaweeyay.

Waxaa madaxweynaha ka horreeyay diyaarad sidday madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam Madoobe iyo xubno ka mid ah maamulkiisa.

Madaxweynaha Puntland C/weli Maxamed Cali Gaas ayaa isna la sheegay in diyaarad ay kasoo qaadday magaalada Garoowe kuna soo wajahan yahay magaalada Baydhabo.

Ammaanka guud ee magaalada Baydhabo ayaa ah mid aad loo adkeeyay, waxaana magaalada oo idil lagu soo daadiyey ciidamo isugu jira dowladda Federaalka, Koonfur Galbeed iyo AMISOM.

Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale

Goobjoog News