U bood dhigaalka

Madaxweyne Xasan Sheekh Iyo Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Oo Ka Wada Hadlay Iskaashiga Dhaqaale Ee Labada Dal

Sheeko:Dalka

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo Ra’iisul Wasaaraha Jamhuuriyadda Federaalka Ethiopia, Hailemariam Desalegn ayaa kulan ay kaga hadlayaan iskaashiga labada dal ku yeeshay magaalada Bahir Dar ee dalka Ethiopia.

Labada hoggaamiye ayaa dhinacyada siyaasadda iyo amniga ka sokow si qota dheer uga wadaxaajooday iskaashi dhaqaale oo dhinacyo badan oo labada waddan dhex mara.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kulankaasi ka soo jeediyay fikir ku saabsan in labada dal ay abuuraan guddi iskaashi oo heer wasiir ah, iyadoo taladaasina uu soo dhoweeyay Ra’iisul Wasaare Desalegn.

Labada dal ayaa ka wada shaqeyn doona horumarinta barnaamijyada mihnadaha iyo shaqo abuurka, maalgashiga, beeraha, tiknoloojiyadda iyo arrimaha bulshada.

Madaxweynaha iyo Ra’iisul Wasaare Desalegn ayaa waxay kaloo ka wada hadleen suuragalnimada in waddamada Geeska Afrika ee kala ah Soomaaliya, Ethiopia, Djibouti iyo Suudaan ay sameystaan suuq ganacsi oo ka shaqeeya kobcinta dhaqaalaha.
————-DHAMMAAD———
Daud Aweis
Afhayeenka Madaxtooyada
Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya