U bood dhigaalka

Madaxweyne Xasan Sheekh Iyo Wafdi Uu Hogaaminayo Oo Gaaray Baladweyne

Sheeko:Dalka

Madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo Wafdi Ballaaran oo uu hogaaminayo ayaa maanta gaaray magaalada Baladweyne ee xarunta gobalka Hiiraan, halkaasi oo si diiran loogu soo dhaweeyay.

Madaxweynaha ayaa ka amba baxay magaalada Muqdisho, waxaana soo dhaweyntiisa kaalin ka qaatay Odayaasha dhaqanka, saraakiisha ciidanka dowladda iyo kuwa AMISOM iyo maamulka gobalka Hiiraan.

Ulajeedka madaxweynuhu u tagay magaalada Baladweyne ayaa la sheegay inay tahay dhameystirka heshiis magaaladaasi ku gaareen beello dhawaan halkaasi ku dagaallamay.

Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale

Goobjoog News