U bood dhigaalka

Madaxweyne Xasan Sheekh “Jubbaland Iyo AMISOM Ayeeynu Ka Wada Hadli Donnaa Arinta Jaamacadda Kismaayo”

Sheeko:Dalka

Madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay in maamulka Jubbaland iyo taliska ciidamada AMISOM ay kala shiri doonaan arinta ku aadan ciidanka degan xarunta Jaamacadda Kismaayo.

Waxa uu sheegay Madaxweynaha in ay ka warqabaan muhiimadda ay leedahay jaamacadaasi, islamarkaana uu ku haminayo in xarunteeda ay si caadi ah uga shaqo bilawdo.

“Waan la soconaa Jaamacadda Kismaayo, Madaxweynaha Jubbaland ayaa ka dhawaajiyay, hase ahaatee waxaan rajeynayaa in dib ay u hana qaado howlihii Jaamacadda iyo xaruntii ay deganeyd, Jubbaland Iyo AMISOM ayeeynu ka wada hadli donnaa arinta jaamacadda Kismaayo iyo in dib ugu shaqo bilawdo xarunteedii” ayuu yiri Madaxweynaha

Xarunta Jaamacadda Kismaayo ee ku taalla duleedka magaalada Kismaayo waxaa degan ciidamada AMISOM, gaar ahaan kuwa ka socda dalka Kenya, iyadoo maamulka Jaamacadana uu dalbaday in loo baneeyo xaruntooda.

Goobjoog News