Madaxweyne Xasan Sheekh “Kala Duwaanshiyaha Marna Xumaan Ma Ahan, Laakiin Waa In La Raaco Nidaamka Lagu Xaliyo “ (Dhageyso)

Xasan SheekhMadaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay in wax dhibaato ah aanay xilligaan lahayn in lagu kala aragti duwanaado arimaha siyaasadeed ee dalka, balse dhibaato ay noqoneyso in la xalin waayo.

Waxa uu sheegay madaxweynaha in hadii madaxda ay kala aragti duwanaato micnaheedu aanay ahayn naceyb madaxda ka dhex bilawday.

“Kala Duwanaanshaha marna xumaan ma ahan, bini’aadam baan nahay, waan u oomannahay inaan kala aragti duwanaano, mishiin ma nihin oo la rabo in birahiisa aysan kala duwanaanin, kala duwanaansho ceeb ma ahan, laakiin waxa la rabo ayaa waxay tahay sidii aynu kala duwanaanshiyahaasi ku xalin lahayn, loona maro nidaamka saxda, markii ugu dambeysay waa tii la raacay, markii la raacayna waan aragnay guusha uu ku dhamaaday” ayuu yiri Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

Madaxweynaha oo hadalkaan ka sheegay munaasbad uu xilka kula wareegayay Ra’iisul wasaaraha cusub ee Soomaaliya Cumar Cabdirashiid taa oo shalay ka dhacday magaalada Muqdisho, ayaa dhanka kale waxa uu ku amaanay xukuumadii Cabdiweli in wax badan dalka ay ka qabatay.

Dowladda Federaalka ayaa mudadii ay jirtay khilaaf jiray awgeed waxaa ku baxay Laba Ra’iisul wasaare, waxaana dhawaan la magacaabay Ra’iisul wasaarihii Sedaxaad.

Halkaan Hoose ka dhageyso.

Goobjoog News

Related Articles

3 Comments

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close
Goobjoog

FREE
VIEW