U bood dhigaalka

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo arimo badan ka hadlay (Dhageyso)

Sheeko:Dalka

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa jeediyay hadal dheer oo uu kaga hadlaayay arimo badan oo ku saabsan xaaladda guud ee dalka.

Madaxweynaha ayaa ka hadlay marxaladii uu dalka soo maray, halka uu haatan joogo, iyo sidoo kale hiigsiga xilligaan la rabo ee 2016.

Dowladiisa waxa uu sheegay mudadii ay shaqeyneysay in ay wax badan qabatay, waxaana uu tilmaamay in Isbaarooyinka Muqdisho yaali jiray ay wax ka qabteen, iyo sidoo kale amniga guud ee gobalo ka mid ah Koonfurta iyo Bartamaha Soomaaliya.

Hadalka Madaxweynaha oo aad u dheer ayaa dhanka kale sheegay in dowladda Soomaaliya ay soo qaaday talaabo aad u dheer, meelo badan laga saaray Al-shabaab, lana doonayo dowladda in hiigsi cusub ay sameyso.

Dhamaan hay’adaha dowladda ayuu sheegay in shaqeyntooda iyo tayadooda ay wax badan horay uga soo kaceen halkii hore ee ay joogeen, mudada uu dalka taladiisa haayo, gaar ahaan Labadii Sano ee lasoo dhaafay.

Xiriirka caalamiga ayuu soo hadal qaaday madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, waxaana uu sheegay in hadda uu aad u wanaagsan yahay marka loo eego waqtiyadii ka horeeyay inta dowladda aan KMG ahayn dalka ka shaqo bilawdo.

Dhanka adeega Bulshada mar uu soo hadal qaaday ayuu sheegay in la helay Jaamacadii Umadda, Iskuulo iyo goobo caafimaad oo muddo badan dalka ka shaqeyn.

Hadda ayuu madaxweyne Xasan Sheekh sheegay in loo baahan yahay in laga fikiro waqtiga soo wajahan, si ay uga fiicnaato maalmihii kale ee lasoo dhaafay.

Dowladda Soomaaliya ayuu sheegay qorshaha ay damacsan tahay in ay tahay Isbedal siyaasadeed oo la taaban karo dalka in ay ka keentay, xilligaanna si xoogan loo wajahaayo hiigsiga 2016.

Dhinaca kale waxa uu sheegay madaxweynaha si degdeg ah u qabanqaabineyso shirweyne qaran oo uu sheegey in dadka Soomaaliyeed ay oga arrinsanayaan hiigsiga 2016-ka.

Shirweynahaan waxaa ka qeybgalaya maamulada KMG ah ee dalka ka jira iyo kuwa dhismaya, wuxuuna sheegey in looga tashanayo sida ay Soomaalida dooneyso in uu ay wax u dhacaan sanadka 2016-ka.

Wuxuu kale oo uu sheegey in la dhamaystirayo dhismaha maamul goboleedyada, isaga oo balanqaaday in dib loo furayo shirka Baydhabo ee dib loo furi dooni, sidoo kale maamulka gobolada dhexd durba hawshooda la gali doono.

Gobolada Hiiraan, Shabeelada Dhexe iyo Banaadir ayuu madaxweynaha sheegey in hawshooda sida ugu dhaqsiyaha badan loo galayo sidii ay maamul ku noqon lahaayeen.

Dhanka kale waxa uu madaxweynaha ka hadlay in ay jirto baahi degdeg ah oo loo qabo in la dhiso ciidamo qaran, wuxuuna balanqaaday in isaga shaqsi ahaan uu faraha la gali doono sidii ciidamada ku kala sugan gobolada kala duwan la’isku dhafi lahaa, loona abuuri lahaa ciidan leh astaan qaran oo dadka ka wada dhex muuqdaan.

 

Halkaan hoose ka dhageyso Khudbadda Madaxweyne Xasan Sheekh uu jeediyay.

Goobjoog News