U bood dhigaalka

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud Oo Ka Qeybgaley Daahfurka Barnaamiijka Hufnaanka Maamulka Dowliga

Sheeko:Dalka

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa maanta ka qeybgaley munaasabad si weyn loo soo agaasimay oo Wasaaradda Maaliyadda ee Soomaaliya ay ku soo bandhigtey Barnaamijka Daah-furnaanta Dowladda.

Barnaamijkan ayaa hadafkiisu yahay diyaarinta macluumaadka guud ee dowladda, meel marinta sharciyo, xeerar iyo habab keeni kara in dowladdu xilkasnimo muujiso, shacabkana laga qeybgeliyo ka tala bixinta arrimaha qaranka.

Soomaaliya oo ah dal ka soo kabanayaa colaado sokeeye , kuna jira marxalad dhib u dhis ballaaran, ayaa muhimadda barnaamijkan daahfurnaanta u leeyahay ay tahay in waddanku noqdo kan ugu horreeya qaaradda Afrika, dhanka hufnaanta marka la gaaro sannadka 2020-ka.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo hadal ka jeediyay munaasabadda ayaa sheegay in hufnaanta iyo daahfurnaanta ay qeyb ka yihiin dowlad wanaagga ay Soomaaliya hiigsaneyso.

“Hufnaanta iyo daahfurnaanta dowladda waa qeyb ka mid ah dhowrista ammaanada, waana sida ay diinta islaamka ina fareyso. Sameynta macluumaadka guud ee dowladda waa mid horseedeysa xog-ogaalnimada muwaadiniinta, hufnaanta maaliyadeed iyo inaan caalamka tusno hadafka aan leenahay inuu yahay sameynta nidaam adag oo isla xisaabtan ku saleysan’’, ayuu yiri Madaxweynaha.

Aqoonyahannada iyo khubaradda ka qeybgashey daahfurka munaasabadan qaran, ayaa fursad loo siiyey inay Madaxweynaya su’aalo ka weydiiyaan qaabka ugu habboon ee barnaamijkan dalka looga hirgelin karo.

Madaxweynaha oo ka jawaabayey qaar ka mid ah su’aalaha , ayaa sheegay in shacabka iyo dowladda loo baahan yahay inay ka wada shaqeeyaan sidii sharciga loo dhowri lahaa, haddii taasi la helana ay hubaal tahay in geeddi-socodka dib u dhiska Soomaaliya uu guuleysanayo.

Waxaa kale oo uu Madaxweynaha ugu baaqey dhammaan hay’adaha dowladda inay waxqabadkooda u soo bandhigaan shacabka si loo abuuro jawi is- aaminaad, daahfurnaan , isla xisaabtan iyo wacyigelinta shacabka.

Munaasabadda waxaa kale oo hadal ka jeediyay Wasiirka Maaliyadda ee Dowladda Federaalka Soomaaliya, Mudane Maxamed Aadan Ibraahim.

————————– DHAMMAAD———————-————-