U bood dhigaalka

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo ku wajahan magaalada Baydhaba

Sheeko:Dalka

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta la filaayaa in uu gaaro magaalada Baydhaba ee xarunta gobalka Bay, iyadoo amaanka magaaladaasi aad loo adkeeyay.

Dhamaan xaafadaha magaalada Baydhaba ayaa saaka waxaa lagu arkayaa ciidamo aad u badan, kuwaa oo loogu tala galay in amniga ay xoojiyaan.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa la filayaa markii uu gaaro magaalada Baydhaba in uu furo shirka maamul u sameynta gobalada Koonfur Galbeed ee Sedaxda ah.

Gudoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari iyo xildhibaano ka mid ah Baarlamaanka ayaa kusii sugan magaalada Baydhaba, waxaana laga war sugayaa socdaalka madaxweynaha uu ku gaari doono magaalada Baydhaba.

Goobjoog News