U bood dhigaalka

Madaxweyne Xasan Sheekh: Midowga Musharaxiinta Waxay Isku Raaceen Taageerada Ra’isul Wasaare Rooble

Sheeko:Amniga

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ammaanay dadaallada uu wado ra’isul wasaare Maxamed Rooble isaga oo sheegay intaasi ay timid dhibaato kadib, rajana ay jirto, loona baahan yahay in wixii kala qeybsanaan ah ay bartaas ku haraan.

Madaxweyne Xasan oo arrinkaas ka hadlayo ayaa waxaa uu yiri “Dal baarlamaanka labadiisa aqal uu qeybsan yahay, dal dowladda dhexe iyo dowlad goboleedyada ay qeybsan yihiin, dal wixii ugu dambeeyey oo ahaa ciidamada amniga ay qeysan yihiin, meeshaas innaga oo joogna dadaallo dheer ka bacdi rajo cusub ayaa hadda soo baxday, taladii waxaa ay ku wareegtay, oo lagu wareejiyey ra’isul wasaaraha, dadka Soomaaliyeed waxaan rabaa in aan u sheego rajo fiican ayaa jirto, maanta waxaan rabaa in wixii kala qeybsanaan ah ay halkaasi ku haraan”.

Madaxweynaha waxaa uu soo jeediyey in la garab istaago ra’isul wasaare Rooble si dal ay uga dhacdo doorasho degdeg ah isaga intaa raaciyey in golaha midowga musharaxiinta ay sidaas go’aan ku gaareen waxaa uuna yiri“Aan ra’isul wasaaraha caqligeenna iyo xoogeena isugu geyno si aan u xaqiijinno muddo yar oo kooban in dalka ay doorasho ka dhacdo, hoggaan cusub la doorto, dowlad cusub la doorto, nabad iney ku dhammaato”.

Dhanka kale, waxaa uu ammaanay tallaabooyinka ilaa hadda uu qaaday ra’isul wasaare Rooble isaga oo yiri “Tallaabooyinka ilaa hadda uu qaaday ra’isul wasaaraha waan ammaaneynaa, waa yididiillo iyo ififaalo fiica, guddiga khilaafka ka dhex yimid ciidamada arrin soo dhoweyn mudan waaye, shirkii uu iclaamiyey ee maalinta iyo taariikhdeeda la dejiyey waa arrin kale oo soo dhoweyn mudan bisha 20-keeda in shirkii la isku imaanaayo, oo lagu wada hadlaayo,… ra’isul wasaaraha isaga ayaa hoggaan ka ah innaga waan la shaqeyneynaa”.

Ugu dambeyntii, waxaa uu madaxweyne Xasan Sheekh soo jeediyey in aan la takoorin ciidamada ka gadooday dulmiga ee diiday muddo kordhinta.

Goobjoog News