U bood dhigaalka

Madaxweyne Xasan Sheekh Oo Arrimaha Dib u Dhiska Ciidamada Soomaaliya Iyo Hiigsiga 2016 Kala Hadley Danjireyaasha Britain Iyo Sweden

Sheeko:Dalka

Muqdisho, 11 May 2015: Madaxweynaha Jamhuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta si gooni gooni ah xafiiskiisa ugu qaabiley danjireyaasha Britain iyo Sweden u fadhiya Soomaaliya, Mr Neil Wigan iyo Mikael Lindvall.

Madaxweynaha ayaa danjiraha Britain kala hadley horumarka siyaasadeed ee dhowaan lagu talaabsadey, sida dhismaha guddiyada madaxa banaan ee Doorashooyinka, Xudduudaha iyo Federaalka, iyo weliba Adeegga Garsoorka, kuwaas oo uu sheegay inay dardargelin doonaan barnaamijyada Hiigsiga 2016.

Danjiraha Britain Mr Wigan ayaa Madaxweynaha soo gaarsiiyey fariin uu uga sidey Ra’iisul Wasaare Mr David Cameron oo ah in Boqortooyada UK ay weli ku taagan tahay siyaasaddeeda ku wajahan Soomaaliya oo ku saleysan iskaashi, taageero iyo dib u dhiska Soomaaliya.

Mr Wigan ayaa sidoo kale sheegay in Britain ay dhaqaale ku taageereyso dhismaha iyo dib u dhiska Ciidammada Xooogga Dalka Soomaaliyeed, isla markaana ay diyaar u tahay inay gacan taa la mid ah ka geysato dib u dhiska ciidammada booliska Soomaaliya.

Dhanka kale, kulanka Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud uu la yeeshay Danjiraha Sweden, Mikael Lindvall, ayaa looga wadahadley horumarka dhanka siyaasadda ee Soomaaliya, hawlaha la xiriira dib u dhiska ciidammada iyo taageerada beesha caalamka siineyso Soomaaliya.

Danjire Lindvall ayaa soo dhoweeyay meelmarintii Golaha Wasiirrada Soomaaliye ee guddiyada madaxa banaan ee Doorashada, Adeegga Garsoorka iyo Xudduudaha, isagoo sheegay dowladdiisa ay gacan ka geysaneyso taageerada guddiyadaasi si ay hawlahooda habsami ugu fulaan.

–DHAMMAAD—

Daud Aweis
Afhayeenka Madaxtooyada
Jamhuriyadda Federaalka Soomaaliya

Email: [email protected]

S6 S5 S4 S3 S2 S1