U bood dhigaalka

Madaxweyne Xasan Sheekh Oo Baaq u Diray Dhallinyarada Gobalka Banaadir

Sheeko:Dalka

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo xalay ka qeybgalay munaasabad ka dhacday magaalada Muqdisho, ayaa baaq dhinacyo badan isugu jira waxa uu u diray dhalinyarada ku dhaqan gobalka Banaadir.

Waxa uu sheegay madaxweynaha in dhalinyarada ay yihiin kuwo laga doonayo in aayaha dalka ay ka taliyaan, kana shaqeeyaan amniga, kala dambeynta ayna qabtaan cid walba oo dalka dhib ku haysa.

“Dhawaaqa maanta ee la rabo in ay dhibsadaan dhaliyarada waa argagaxisada, aan diidno oo aan iska dulqaadno” ayuu yiri Madaxweynaha.

Madaxweynaha ayaa sheegay in dhalinyarada fursad ballaaran la siiyay, gudoomiyaha gobalka iyo sidoo kale gudoomiyayaasha degmooyinka gobalka Banaadir, lana doonayo dhalinyarada in ay kasoo dhalaalaan shaqada loo dhiibay.

“Dhalinyarooy kaalintii maanta ayeey joogtaa, dhalinyarada gobalka Banaadir joogto, dowladda Fursad ay idiin siisay, hadii talada iyo xukunka gobalka Banaadir tahay dowladda go’aan ku gaartay dhalinyarada halagu wareejiyo, gudoomiyaha oo uu ugu horeeyo dhalinyaro yahay iyo gudoomiyayaasha degmooyinka oo nin cirro leh aanu ku jirin, hadii meeshaan la’idiin kugu bogo dhalinyarooy waxaad qaban doontaan talada kale ee dalka” ayuu yiri madaxweynaha.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa dhalinyarada Soomaaliyeed, gaar ahaan kuwa ku sugan magaalada Muqdisho waxa uu ugu celceliyay baaqa ah in ay ka shaqeeyaan nabadda, isaga oo hoosta ka xariiqay in nabadda aanay adkaan doonin hadii aanu jirin maamul iyo shacab isla shaqeeya.

Goobjoog News