U bood dhigaalka

Madaxweyne Xasan Sheekh oo baaq u diray dhalinyarada Soomaaliyeed

Sheeko:War
    Madaxweyne Xasan Sheekh iyo Wasiir Khaalid
Madaxweyne Xasan Sheekh iyo Wasiir Khaalid

Madaxweynaha Jamhuriyadda Federaalka ee Somaliya, Mudane Xasan Shiikh Maxamuud, ayaa sheegay in ay Dowladdiisu mudnaan weyn siineyso dhallinyarada oo uu ku tilmaamay in ay yihiin cudud aan looga maarmin nabadeynta, dib u dhiska iyo horumarinta dalka.

Madaxweynuhu wuxuu sheegay in fursadaha dhallinyaradu ay yihiin kuwo aan xad lahayn, wuxuuna aad ugu dhiirri geliyay in ay is abaabusho oo ay ku midowdo hal hoggaan oo xaqiijiya xuquuqdooda isla markaana ku haga gudashada waajibaadka ka saaran dalka.

Madaxweynuhu wuxuu sheegay in ay dowladdu dooneyso in ay dhallinyarada kala shaqeyso dhinacyada siyaasadda, sugidda amniga, horumarinta adeegyada waxbarashada iyo caafimaad iyo kobcinta dhaqaalaha.

Madaxweynaha oo maanta Xarunta Madaxtooyada kulan quraac ah kula qaatay dhallinyaro ay ka mid yihiin kuwa shaqeeya, qaar waxbarta, Madax ururro dhallinyaro iyo qaar ka soo laabtay dalka dibaddiisu, waxaa uu marka hore dhegeystay erayo isugu jiray codsi, su’aalo iyo talooyin ay soo jeediyeen dhallinyaradu.

Madaxcweynuhu waa uu ka jawaabay su’aalaha isaga oo isla markaana sheegay in talooyinka iyo codsigaba la tix gelin doono. Wuxuuna balan-qaaday Madaxweynuhu in kulammada noocan ahi ay hadda ka dib sii socon doonaan.

Wasiirka Sportiga Dr. Khalid Maxamed Cali, oo isaguna kulankaas khudbad ka jeediyay waxaa uu soo bandhigay waxqabadka Wasaaradda iyo in ay diyaarisay xarun ay dhallinyaradu ku shiri karaan ra’yigoodana ay ku kala qaadan karaan.