U bood dhigaalka

Madaxweyne Xasan Sheekh Oo Baarlamaanka Ka Codsaday Meelmarinta Sharciga La Dagaallanka Argagaxisada

Sheeko:Dalka

Madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo shalay hadal ka jeediyay xarunta golaha shacabka ee magaalada Muqdisho ayaa ka codsaday xildhibaannada baarlamaanka in ay meelmariyaan sharciga la dagaallanka argagaxisada.

Waxa uu sheegay Madaxweynaha in sharcigaan ay u xayiran yihiin shaqooyin badan oo ay qaban lahaayeen hay’adaha ammaanka ee dalka.

Sidoo kale waxa uu tilmaamay madaxweynaha in sharcigaan uu la maqan yahay kaalmo caalami ah oo dowladda heli lahayd marka loo eego dagaallada ka dhanka ah Al-shabaab, islamarkaana dowladda loogu wareejin la yahay qalab casri ah sharciga oo maqan.

“Sharcigaasi maqan wax badan ayuu la maqan yahay, waxa uu nagala maqan yahay kaalmo caalami ah oo aan heli lahayn, dagaalka noocaan ah ma ahan mid caadi ah, waa mid gaar ah, tabab gaar ah iyo qalab loo adeegsado ayuu leeyahay, waxaa caqabad nagu noqday sharcigaasi ma qabtiin awgeed in nalagu siin waayo, qalab badan oo aynu dalbanay oo yaallo oo naloogu wareejin la yahay sharcigaasi ayaa weli idin ka maqan ayaa jira, baarlamaanka Federaalka waxaan ka codsanayaa in sharcigaasi la dardar geliyo walibana la meel mariyo” ayuu yiri Madaxweynaha.

Madaxweyne Xasan ayaa dhinaca kale xildhibaannada ugu baaqay in sharcigaasi ay akhriyaan ayna ka bixiyaan wax walba oo dhib ku ah shacabka Soomaaliyeed, iyo guud ahaan dalka.

Goobjoog News