U bood dhigaalka

Madaxweyne Xasan Sheekh oo Baladweyn u Tagay Arrimo La Xiriira Maamul u Sameynta Hiiraan iyo Shabeellada Dhexe

Sheeko:Dalka

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamud iyo wafdi la soda ayaa goordhaw gaaray magaalada Baladweyn xarunta gobolka Hiiraan.

Xasan Sheekh waxaa safarkiisa ku wehlinaya Wasiiro ka tirsan federaanka sida Amniga, Petroolka iyo dhalinyarada iyo sidoo kale Xildhibaano oo ah wasiirada iyo xildhibaanada ka soo jeeda gobollada Hiiraan iyo Shabeellada.

Xasan Sheekh ayaa tagaya Hiiraan maalin kadib markii uu halkaas ka soo laabtay ra’isul wasaare Cumar Cabdirashid isagoo la hadlay odayaasha dhaqanka labada gobol.