U bood dhigaalka

Madaxweyne Xasan Sheekh Oo Baladweyne Kula Kulmaya Waxgaradka Gobolka Hiiraan

Sheeko:Dalka

Madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maalintii Seddaxaad waxa uu ku sugan yahay magaalada Baladweyne ee xarunta gobolka Hiiraan, halkaasi oo kulamo uu kula leeyahay waxgaradka gobolkaasi.

Ulajeedka madaxweyne Xasan Sheekh uu maalin kahor u tagey magaalada Baladweyne ayaa ah sidii loo xallin lahaa tabashada waxgaradka gobolka Hiiraan oo diiddan qabsoomidda shirka Jowhar ee maamul u sameynta Gobollada Shabellaha Dhexe iyo Hiiraan.

Madaxweynaha ayaa magaalada Baladweyne waxa uu ku qaabilay qaar kamid ah Odayaasha dhaqanka Hiiraan, inkastoo ay jiraan tabasho xooggan oo ay qabaan Sideed Ugaas oo magaaladaasi ku sugan.

Ugaasyada ayaa ku doodaya in Seddax qodob ay wataan, islamarkaana dowladda Federaalka ay ka doonayaan in ay aqbalaan qodobadaasi.

Waxaa ka mid ah qodobada ay Ugaasyada soo jeedinayaan.

In Gobolka Hiiraan loo qeybiyo Labo maadaama uu ka dambeeyo Gobolladii 8-da ahaa.

In Shirka Jowhar loo soo wareejiyo magaalada Baladweyne

In Shir dib u heshiisiin ah ugu horeyn la qabto

Qaar ka mid ah Ugaasyadan oo saxaafadda la hadlay ayaa sheegay in dowladda Federaalka ay ku gacan seertay arrinkaasi, iyaguna ay halkaasi ku dheggan yihiin.

Hadaba habeenkii xalay ahaa illaa saaka waxaa magaalada Baladweyne ka socda kulamo kala duwan oo Odayaasha dhaqanka iyo madaxweyne Xasan Sheekh u dhaxeeya.

Dhinaca kale waxaa deggan xaaladda guud ee magaalada Baladweyne halkaasi oo shalay ay ka dhaceen dibadbaxyo rabshado watay.

Seddax qof oo shacab ah ayaa ku dhaawacmay dibadbaxyadaasi kadib rasaas ay fureen askar ka tirsan ciidanka dowladda Federaalka ee Soomaaliya.

Wararkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale

Goobjoog News