U bood dhigaalka

Madaxweyne Xasan Sheekh oo beeniyay war dhawaan ay shaaciyeen kooxda la socodka xayiraadda Soomaaliya iyo Eretria (Dhageyso)

Sheeko:Dalka

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa waxba kama jiraan ku sheegay xog ay baahisay dhawaan Kooxda dabagalka hubka ee dalalka Somaliya iyo Eritrea Monitoring Group, taa oo ku aadan in madaxweynaha la taliya uu u yahay shaqsi lagu magacaabo Muuse Xaaji Maxamed Ganja oo ay ku sheegeen in Al-shabaab hubka u gudbiya.

Madaxweynaha ayaa sheegay in lataliyaashiisa aanu ku jirin shaqsi Muuse la dhaho waligiisna aanu soo marin shaqsi magacaas xitaa leh.

“Ninka ay ku magacaabeen Muuse, waligeey xafiiskayga kama aanu shaqeyn, waxaan jeclaan lahaa in arintaan ay cadeeyaan” ayuu yiri Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

“Waxaan aaminsanahay in hay’adahaasi dalka aanay u joogin in ay eedeeyaan, laakiin waxaan aaminsanahay in ay hormariyaan” Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa hadalkiisa ku daray.

Hadalkaan ayuu madaxweynaha ku sheegay wareysi uu siiyay Talefishinka France 24, ee laga leeyahay dalka Faransiis ka dib markii wakaaladda Wararka Reuters lagu daabacay xog ay sheegtay in ay ka heshay kooxda la socodka xayiraada Soomaaliya iyo Eretria.

Halkaan hoose ka dhageyso Warbixintaan oo maqal ah.

Goobjoog News