U bood dhigaalka

Madaxweyne Xasan Sheekh Oo Boqorka Sacuudiga Uga Tacsiiyeeyay Shilkii Ka Dhacay Magaalada Makkah

Sheeko:Dalka

Madaxweynaha Jamhuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa dhambaal tacsi ah u direy Adeegaha labada Masjid ee Barakeysan, ahna Boqorka dalka Boqortooyada Sacuudi Caraabiya, Boqor Salmaan bin Cabdulcaziiz Al Sacuud, isagoo uga tacsiyeynaya dhimashadii iyo dhaawacyadii ka dhashey shilkii ka dhacay masjidka magaalada Makkah oo dad ku cibaadeysanayey uu wiish ku soo dumey.

“ Innaa Lillaahi wa Inaa Ileyhi Raajicuun. Waxan murugada la qeybsanayaa shacabka Sacuudiga iyo shucuubta kale ee Muslimiinta dunida, shilkan dhacay ee dadka badan ay ku dhinteen. Ilaahay ha u wada naxariisto kuwa halkaasi ku shahiiday, kuwa dhaawacmeyna waxaan Ilaahay uga baryayaa inuu caafimaad deg-deg ah siiyo’’ ayuu yiri Madaxweynaha.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ugu dambeyn dhambaalkiisa ku xusey inuu u rajeynayo dowladda iyo shacabka Sacuudiga inuu Ilaahay siiyo samir iyo dulqaad waqtigan adag ee la soo gudboonaadey, iyagoo weliba isku diyaarinaya martigelinta xujeyda dunida dacaladeeda ka kala imaaneysa.

—DHAMMAAD-

Daud Aweis
Afhayeenka Madaxtooyada