U bood dhigaalka

Madaxweyne Xasan Sheekh Oo Cambaareeyay Qaraxyadii Maanta Ee Brussels

Sheeko:Dalka

Madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa cambaareeyay qaraxyo maanta ka dhacay   magaalada Brussels ee dalka Biljamka kuwaa oo geystay khasaare kala duwan.

War-saxaafadeed laga soo saaray Xafiiska Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa sidan u qornaa:-

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud , ayaa cambaareeyay weerarada waxashnimada ah ee ay maanta magaalada Brussels ka geysatey kooxda argagixisada ee Daacish.

“Waxaan dunida la wadaageynaa cambaareynta looga soo horjeedo weerarada bahalnimada ah ee dadka shacabka ah lagu qaaday ee ka dhacay Brussels. Waxaan murugada la qeybsaneynaa kuwa ehelkooda ku waayey falkan argagixiso, inagoo sidoo kale u tacsiyeyneynaa qoysaska ay saameynta ku yeesheen weeraradan. Waxaan garab taaganahay dowladda Belguim-ka dadaalka ay ugu jirto inay gacan u fidiso dadkeeda falkan xun ku waxyeeloobay’’.

Madaxweynaha ayaa intaa raaciyay in Soomaaliya ay ka xun tahay sii socoshada weerarada lagu beegsanayo dadka shacabka ah.

“Ururka Daacish waxaa uu mar kale maanta laayey dad aan waxba galabsan. Waxaa kale oo uu weerarkan soo bandhigay in ururkan aanu u taagneyn wax aan ka ahayn inuu burbur iyo qarbudaad ka geysto caalamka. Si kulul ayaan u cambaareyneynaa falalkan guracan ee argagixisonimo ee Daacish ay ku kacayso. Soomaaliya waxay si buuxda u garab taagan tahay dowladda Belgium,” ayuu yiri Madaxweynaha.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa intaa raaciyay in argagixisonimada ay tahay khatar caalami ah, oo u baahann si wadajir ah xil la isaga saaro la dagaalankooda, maadaama Soomaaliya ay ka mid tahay waddamada ay falalka argagixisonimo saameeyeen, isla markaana ay si dhow beesha caalamka ugala shaqeyneyso sidii loo ciribtiri lahaa kooxaha xagjirka ah.

——————–DHAMMAAD–—————–
Daud Aweis
Afhayeenka Madaxtooyada