U bood dhigaalka

Madaxweyne Xasan Sheekh Oo Cambaareeyay Weerarkii Hotel Saxafi

Sheeko:Dalka

Madaxweynaha Jamhuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa si kulul u cambaareeyay weerarkii subaxnimada maanta lagu qaadey Hotel Saxafi, waxaana uu tacsi u diray qaranka, qoysaska iyo ehaladii ay ka geeriyoodeen shacabka aan waxba galabsan ee Al Shabab ay laayeen.

“Subaxnimadii maanta Hotel Saxafi waxaa weerar ku qaadey Al Shabaab. Sida muuqata Al Shabaab waxaa si weyn u saaran culeys, iyagoo laga saarayo goobihii ay ku dhuumaleysanayeen, taasina waxay ka dhalatey hawlgalka milatari ee sida wanaagsan u qorsheysan iyo guulaha ay sida wadajirka ah u gaarayaan Ciidammada Xoogga Dalka Soomaaliyeed iyo Ciidammada Midowga Afrika ee AMISOM. Sidaa darted Al Shabaab waa naf la caari doonaya inay dhibaatooyin ka abuuraan magaalooyinkeena,” ayuu yiri Madaxweynaha.

“Waxaan idin xaqiijinayaa in falalkan aysan ka dhigneyn Al Shabaab oo dib madaxa ula soo kaceysa. Balse cagsigeeda, waxaa falkani uu tilmaamaya sida xaalad quus ah oo soo wajahdey Al Shabaab, taas oo maalinba maalinta ka sii dambeysa sii kordheysa.Waxa xaqiiq ah in kala qeybsanaan weyn uu dhexdooda ku jiro. Ma ahan kuwo war u haya waxa ay u taagan yihiin iyo cidda ay hoos yimaadaan toona, iyagoo maciin biday inay dilaan Muslimiin aan waxba galabsan, doonayana inay ku soo baxaan bogagga hore ee wararka caalamka.”

Madaxweynaha ayaa sidoo kale sheegay in ciidammada qaranka ay hawl weyn qabteen, xaaladdana ay si buuxda ula wareegeen.

“Ciidammadeena amniga ayaa xaaladda si buuxda gacanta ugu haya. Waxaa xigi doona oo la sameyn doonaa baaritaan qota dheer oo lagu ogaanayo sida ay wax u dhaceen, iyo sida loo sii horumarin karo sida ciidammada amniga ay uga jawaab celiyaan falalka noocaan oo kale ah.”

Madaxweyna Xasan Sheekh Maxamuud ayaa marxuumiinta geeriyooday u duceeyay.

“Waxan Ilaahay uga baryayaa inuu naxariistii jannada fardowsa ka waraabiyo inta dhimatey ee Al Shabaab ay laayeen. Sida ugu wanaagsan ee dadkan naga baxay aan ku xusi karnaa waxaa weeyaan inaan dib u cusbooneysiino, isla markaana aan kordhino dadaalka aan ugu jirno inaan ka hortagno kooxaha xagjirka in aanay si khaldan ugu baahin diinta Islaamka, iyagoo ujeedkooda uu yahay inay dadka marin habaabiyaan, burbur iyo xasuuqna u geystaan shacabka. Qaabka aan arrintan uu wajahayno ayaa ah inaan si buuxda uga hortagno fikradaha khaldan ee la beddelay, isla markaana aan dib uga xorreyno meelaha ay ku harsan yihiin ee dalka Soomaaliya’’, ayuu yiri Madaxweynaha.

Waxaa ugu dambeyntii Madaxweynaha uu sheegay in amniga uu weli yahay muhimadda koowaad ee dalka.

“Muhimada koowaad ee dowladdeyda waa sarre u qaadista kartida iyo awoodda adeegga amniga ee Soomaaliya, si aan meesha uga saarno kooxaha xagjirka, aan u ilaalino danaheenna qaran, nabad iyo xasiloonina aan u horseedno Soomaaliya, inagoo dhowreyna qaranimadeenna.”

–DHAMMAAD—

Daud Aweis
Afhayeenka Madaxtooyada