U bood dhigaalka

Madaxweyne Xasan Sheekh Oo Cambaareyay Weerarkii Ka Dhacay Ankara, Tacsina u Diray Madaxweynaha Turkiga

Sheeko:Dalka

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa tacsi u diray Madaxweynaha Turkiga, Recep Tayyip Erdoğan, kadib weerarkii argagixiso ee ka dhacay magaalada Ankara, kaas o ay ku dhinteen 28 qof, 61 kalena ay ku dhaawacmeen.

“Anigoo ku hadlaya magaca Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, waxaan kaaga tacsiyeynayaa dilka dadka aan waxba galabsan ee weerarkii xalay lagu dilay, iyo kuwa ku dhawacmeyba. Weerarkan waxaa uu ahaa mid waxashnimo oo fuul xun. Waxaan kuu caddeynayaa in shacabka Soomaaliyeed ay walaalahoda Turkiga ku garab taagan yihiin dagaalka lagula jiro argagixisada. Waxaa naga go’an xaqiijinta in dalalkeena ay noqdaan kuwo ka madaxbanaan kooxaha xag-jirka ah, taageerayaashooda iyo dhaqdhaqaaqoda intaba,’’ ayuu yiri Madaxweynaha.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa intaa ku darey in dunida looga baahan yahay inay iska kaashato, si hufanna isugu abaabusho sidii looga adkaan lahaa kooxaha argagixisada, kuwaas oo weeraro naceyb ku dhisan ku qaadaya aadminimada iyo ilbaxnimada.

“Waxaan si xooggan u cambaareynayaa weerarkan lagu dilay dadka aan waxba galabsan. Weerarkan waxaa uu ahaa mid ka dhan ah nabada iyo ilbaxnimada caalamka. Waxaan si buuxda u garab taaganahay, murugadana la qeybsaneynaa walaalaheena Turkiga. Waxaan aaminsanahay in dhagar-qabeyaasha weerarkan geystey cadaaladda la hor keeni doono adduun iyo aakhiraba.’’

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa dadka dhaawacmey Ilaahay uga baryey inay deg-deg u caafimaadaan, kuwa dhinteyna uu Ilaahay Jannatul Fardowsa ka waraabiyo, qoysaskoodana uu samir iyo iimaan ka siiyo.

——————————— DHAMMAAD———————-————-

Daud Aweis
Afhayeenka Madaxtooyada
Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya