U bood dhigaalka

Madaxweyne Xasan Sheekh Oo Fariin u Diray Baarlamaanka Iyo Xukumadda Soomaaliya

Sheeko:Dalka

Madaxweynaha Jamhuriyadda Federaalka ee Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ku booriyey hay’adaha dastuuriga ee dalka, sida Baarlamanka iyo xukuumaddu in ay dardar geliyaan hawlaha ay qaranka u hayaan.

Madaxweynaha ayaa ugu horeyn ugu baaqey xukuumaddu in ay kordhiso ka warqabka waxqabadka hay’adaha kala duwan ee dowladda iyo hay’adaha hoos yimaada, isla markaana lala yimaado isla xisaabtan dhab ah.

“Waajibaad ayaa ina wada saaran, kaas oo ku saleysan inaan si hufan ugu adeegno Qaranka. Waxaan ugu baaqayaa Baarlamanka oo ah hay’adda sharci dejintu in uu de-dejiyo dhammeystirka shuruucda aasaasiga u ah hannaanka dowladnimada. Waxaa shuruucdaas ka mid ah shuruucda kala ah – ka hortagga musuqmaasuqa, maalgelinta shisheeye, isgaarsiinta, iyo qandaraasyada. Shuruucdaas dhammaantood waxay saldhig u yihiin hirgelinta nidaam hufan oo isla xisaabtan ku saleysan’’, ayuu yiri Madaxweynuhu.

Madaxweynuhu waxaa uu sheegay in iyada oo laga ambaqaadayo sida ay dowladda uga go’an tahay hirgelinta nidaam hufan, dalka laga abuurey Guddiga Maamulka Maaliyadda oo ay ku wada jiraan xubno ka socda dowladda, hay’adaha caalamiga ee Bankiga Adduunka (World Bank), Hay’adda Lacagta Adduunka (IMF) iyo Bankiga Horumarinta Afrika (AfDB), kuwaas oo durba hawshoodu ay wax badan ka bedeshey nidaamka maamulka maaliyadda ee Soomaaliya.

“Waxaan xukuumadda farayaa in la dardar geliyo hawlaha Guddiga Maamulka Maaliyadda, isla markaana la taageero dib u eegista guddigan ku sameynayo qandaraasyada dowladdu ay bixisey, iyada oo la raacayo nidaamka iyo sharciga dalka u yaalla, heshiiskii aan buuxin shuruudahaasina la mariyo sida sharcigu uu dhigayo’’.

Waxaa sidoo kale uu Madaxweynuhu sheegay in mid ka mid ah tiirarka ugu muhiimsan ee dowlad dhisiddu uu yahay garsoorka, loona baahan yahay in Baarlamanku uu de-dejiyo dhammeystirka meel marinta shuruucda iyo dhismaha hay’adaha garsoorka ee dastuurka ku xusan oo dhan, sida Guddiga Adeegga Garsoorka iyo Maxkamadda Dastuuriga.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sidoo kale ugu baaqey warbaahintu in ay door waddaninimo ka cayaarto dadaallada dib u dhiska dalka, dib u heshiisiinta iyo wacyigelinta bulshada, lagana dhowrsado faafinta wararka horseedi kara amni darro iyo tafaraaruq shacabka soo dhex gala.

Madaxweynaha ayaa ugu dambeyn si gaar ah u bogaadiyey shacabka Soomaaliyeed oo mar walba ka damqada dhibaatada dalkooda uu ku jiro, isla markaana gacan ka geysta dadaal kasta oo lagu xaqiijinayo in Soomaaliya ay dib cagaheeda isugu taagto.

–DHAMMAAD—