U bood dhigaalka

Madaxweyne Xasan Sheekh Oo Fariin u Diray Xarakada Al-shabaab

Sheeko:Dalka

Madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa war-saxaafadeed kasoo baxay xafiiskiisa waxaa fariin loogu diray Xarakada Al-shabaab.

War-saxaafadeedka ayaa sidaan u qornaa:-

Muqdisho, 28 Oktoobar 2015: Madaxweynaha Jamhuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa maanta soo saarey farriin ku socota xubnaha ururka Al Shabaab.

“Waxaan si dhow ula soconaa khilaafka aan qarsooneyn ee soo kala dhex galey xubnaha ururka Al Shabaab ee ku saabsan in ay daacad u noqdaan Al Qaacida ama Daacish (ISIL) oo aan dhihi karo magacooda rasmiga waa ‘’kuwii wax burburinayey’’.

“Xaqiiqdii, labadan kooxood ee Daacish iyo Al Qaacida waxay u taagan yihiin hawshooduna ay tahay in ay wax burburiyaan. Waxay labaduba diiradda saaraan gumaadka iyo dhimashada, mana kala soocaan dadka ay dhibaateynayaan, amaba wax u geysanayaan: Waxay dilaan dadka Muslimiinta ah ee ka soo horjeeda nidaamkooda khaldan, waxay sidoo kale dilaan dad aan waxba galabsan oo ka soo jeeda diimaha kale. Waxay labaduba cabburiyaan xorriyadda hadalka iyo xuquuqda aadanaha ee aasaasiga ah, sida xuquuqda waxbarashada ee wiilasha iyo gabdhaha, iyo weliba xuquuqda dumarka. Waxaa dhammaantood ka go’an wax burburinta, sida dadka, qoysaska iyo weliba waddankeena. Waxa keliya ee ka go’an waa wax burburin, sidaa darted magaca Daacish waa mid si gaar ah ugu habboon falalka gurracan ee ay ku jiraan’’, ayuu yiri Madaxweynuhu.

Waxaa Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud uu si kulul u naqdiyey sida khaldan ee argagixisadu ay u adeegsanayaan magaca diinta Islaamka.

“Fikirka argagixisadu waa mid mar walba laba lagu saleeyo sida sax iyo khalad, waxa san iyo waxa xun, innaga iyo iyaga iwm. Waxay sheegtaan in ay ku jiraan dagaal ay doonayaan in ay ku soo dhisaan xukuumad barakeysan oo Islaami ah oo khaliifyo ay ka taliyaan, laakiin xaqiiqdu waxay tahay in aaney jirin wax barakeysan oo meesha ay ku hayaan oo la xiriira hab dhaqankooda iyo ujeedka ay sheeganayaan’’.

Madaxweynaha ayaa si gaar ah farriin ugu direy ururka argagixisada Al Shabaab ee Soomaaliya.

“Ha u maleynina in fursadaha idin bannaan ay ku kooban yihiin oo keliya in aad daacad u noqotaan Al Qaacida ama Daacish si ay idinku noqdaan madax maqaar saar ah. Waxaa jirta fursad kale oo taas ka wanaagsan, taas oo ah mid sax ah oo barakeysan: waa waddada nabadda’’.

“Khilaafkan ka dhex aloosan Al Shabaab waxaa uu astaan u yahay koox mar hore ay jihadu ka luntey, isla markaana weli ku dheggan fikir khaldan iyo xulasho aan sax ahayn oo mustaqbalkooda la xiriirta. Ma dooneyno nooc cusub oo cabsi iyo cabburin lagu beerayo Soomaaliya. Soomaaliya wey ku soo daashay khasaaraha ka soo gaaray noocyada argagixisada ’’, ayuu yiri Madaxweynaha.

“Sidii aan horey u sheegnay, isla markaana aan mar walba ku celcelin doono inta aad weli jirtaan, waxaan mar kale idiin sheegayaa haddii aad dareemeysaan in aad lahaysteyaal u tihiin argagixisada, isla markaana aad ka fikireysaan fursad taa ka duwan, waxaa idin furan in aad dowladda u soo gacan haatisaan. Meel kasta, goob kasta iyo sida ugu macquulsan ee suura-galka ah ayaad nagula soo xiriiri kartaan. Waxaa diyaar idiin ah oo idiin furan dhegaheenna iyo gacan wax idiin qaban doonta. Dowladdu waxay si buuxda u damaanad qaadeysaa nabadgelyadiinna iyo bedqabkiina. Shuruudda keliya ee aan dooneyno in aad fulisaan waxay tahay in aad diiddaan ama aad dhinac iska dhigtaan Al Shabaab iyo fikirka ay ku dhaqmaan ee ku saleysan dagaalka iyo colaadda. Keli ma noqon doontaan. Boqollaal ayaa doortay waddadan. Boqollaal ayaa doortey nabad iyo mustaqbal: waxay bartaan xirfado cusub, waxay soo saartaan nolol maalmeed xalaal ah, qeybna waxay ka yihiin dib u dhiska Soomaaliya’’.

“Aniga oo ku hadlaya magaca Dowladda Federaalka Soomaaliya, waxan idinku boorrinayaa in aad doorataan waddada nabadda’’.

-DHAMMAAD-

Daud Aweis
Afhayeenka Madaxtooyada