U bood dhigaalka

Madaxweyne Xasan Sheekh Oo Furay Kalfadhiga 8-aad Ee Baarlamaanka

Sheeko:Baarlamaanka

Kalfadhigii 8aad ee ugu dambeeya  baarlamaanka 9aad ayaa maanta ka furmay xurunta baarlamaanka ee magaalada Muqdisho.

Farutaanka kalfadhiga sideedaad kulankiisa kowaad ee gaarka ah  ayaa waxaa furitaankiisa ka qeyb galay madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo khudbaddii furitaanka u jeediyay xubnaha baarlamaanka isagoo ugu dambeyn ku dhawaaqay in kalfadhiga 8aad ee baarlamaanka federaalku uu furan yahay.

Waxaa xusid mudan in kulanka baarlamaanka uu maalintii shalay u baaqday madaxweynaha oo ku mashquulsanaa shirka madasha qaranka ee shalay ka furmay magaalada Muqdisho.

Goobjoog News