U bood dhigaalka

Madaxweyne Xasan Sheekh Oo Gaaray Magaalada Kismaayo

Sheeko:Dalka

Wararka ka imaanaya magaalada Kismaayo ee gobalka Jubada Hoose ayaa ku waramaya in halkaasi goor dhaw uu gaaray madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud.

Diyaaradda waday madaxweynaha oo ka amba baxday magaalada Muqdisho ayaa ku dejisay garoonka magaalada Kismaayo halkaasi oo si aad ah loogu soo dhaweeyay.

Mas’uuliyiinta maamulka Jubbaland, Waxgarad, wasiiro iyo xildhibaano ka tirsan maamulkaasi iyo shacab aad u badan ayaa kusoo dhaweeyay garoonka madaxweyne Xasan Sheekh iyo xubnaha la socda.

Madaxweynaha ayaa loo galbinayaa xarunta madaxtooyada Jubbaland, waxaana la filayaa in uu kulamo la qaato madaxda Jubbaland.

Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale

Goobjoog News