U bood dhigaalka

Madaxweyne Xasan Sheekh Oo Gaaray Magaalada Kismaayo

Sheeko:Dalka

Madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa maanta gaaray magaalada Kismaayo ee xarunta gobalka Jubada Hoose halkaasi oo lagu soo dhaweeyay.

Mas’uuliyiinta Jubba iyo qeybaha kala duwan ee bulshada ku dhaqan magaalada Kismaayo ayaa madaxweynaha kusoo dhaweeyay garoonka magaaladaasi

Uljeedka safarka madaxweynaha ayaa la sheegayaa in ay tahay ka qeybgalka munaasabadda Caleema-saarka baarlamaanka cusub ee maamulka Jubbaland.

Amniga magaalada Kismaayo ayaa ah mid aad loo adkeeyay, waxaana magaalada la filayaa in ay gaaraan wafdi ka socda IGAD iyo sidoo kale maamul gobaleedyada dalka ka jira qaarkood.

Kismaayo waxaa kusii sugnaa madaxweyne ku xigeenka maamulka Puntland iyo xubno uu hogaaminayay, waxaana tani ay imaanaysaaa xilli cabasho badan laga muujiyay hanaanka loo qeysaday xildhibaanada baarlamaanka Jubbaland.

Goobjoog News