U bood dhigaalka

Madaxweyne Xasan Sheekh Oo Ganacsatada Turkiga Ku Booriyey Inay Maalgashi Ku Sameystaan Soomaaliya

Sheeko:Dalka

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheikh Maxamuud ayaa ganacsatada Turkiga u xaqiijiyey in Soomaaliya ay si buuxda ugu furan tahay inay maalgashadaan, taasina ay dani ugu jirto labada dal.

Madaxweynaha ayaa magaalada warshadaha leh ee Bursa ee ku taalla waqooyiga galbeed ee dalka Turkiga kula kulmey Rugta Ganacsiga ee Bursa iyo ganacsatada, isagoo kala hadley fursadaha ay ka heli karaan Soomaaliya, xilligan uu dalku ku jiro dib u dhis iyo dib u soo kabasho.

“Ganacsatada Turkiga waxay si fudud uga faa’iideysan karaan fursadaha maalgashi ee Soomaaliya ka jira, waxaana idinku bishaareynayaa in waddankeena uu leeyahay sharciyada maalgashiga, isla markaana aan gacmo furan ku soo dhoweenayno ganacsatada Turkiga’’.

Madaxweynaha ayaa sheegay in Soomaaliya ay leedahay kheyraad kala duwan, isla markaana maalgashi lagu sameeyo ay tahay waddada keliya ee dib buuxda Soomaaliya ku gaari karto, isagoo intaa ku darey in tixgelin gaar ah la siin doono ganacsatada ugu soo horeeya ee fursado maalgashi ka soo raadsada Soomaaliya.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sidoo kale ka jawaabey su’aalo ay weydiinayeen qaar ka mid ah ganacsatada kulankaasi ka soo qeyb gashey, kuwaas oo doonayey inay wax ka ogaadaan adeegyada kala duwan ee ay Soomaaliya ka fulin karaan.

Kulankaasi waxaa sidoo kale ka hadley Guddoomiyaha Rugta Ganacsiga ee Bursa, Ibrahim Burkay oo sheegay in ganacsatada Turkiga ay diyaar u yihiin in la xoojiyo xiriirka ganacsi ee labada dal ka dhexeeya.

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa kulanka ganacsatada ka hor waxaa uu khudbad ka jeediyay Jaamacadda Uludag ee magaalada Bursa, isagoo ka warramey xaaladda Soomaaliya , fursadaha maalgashi iyo doorka wanaagsan ee Turkiga uu ka qaatey taageerada Soomaaliya.

Jaamacadda Uludag oo ay wax ka bartaan in ka badan 60 kun oo arday, ayaa Soomaalida ay ka mid yihiin ardayda wax ka barata.

Waxaa kale oo uu Madaxweynaha oo ay wehliyaan madaxda magaalada Bursa ay tageen goobaha taariikhiga ee magaalada, iyadoo Bursa ay ahayd caasimaddii ugu horeysey ee Boqortooyadii Islaamka ee Cusmaaniyiinta.

Xasan1 Xasan2 Xasan3 Xasan4

———–DHAMMAAD———–

Daud Aweis
Afhayeenka Madaxtooyada
Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya