U bood dhigaalka

Madaxweyne Xasan Sheekh Oo Jaamacadda Carabta ku Ammaaney Taageeradooda Soomaaliya

Sheeko:Dalka

Madaxweynaha Jamhuriyadda Federaalka ee Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta xarunta madaxtooyada kulan kula yeeshay danjireyaasha dalalka Jaamacadda Carabta u fadhiya Soomaaliya.

Madaxweynaha iyo danjireyaasha ayaa ka wadahadley xaaladaha siyaasadda, amniga, dhaqaalaha Soomaaliya iyo xoojinta doorka Jaamacadda Carabta ee dib u dhiska Soomaaliya.

Madaxweynaha ayaa uga mahad celiyey Jaamacadda Carabta taageerada ay mar walba Soomaaliya la garab taagan tahay, isagoo intaa ku darey in dowladda Soomaaliya , baarlamanka iyo hay’adaha kale ee dowliga ay diyaar u yihiin inay fududeyaan iskaashigaasi labada dhinac ka dhexeeya.

Danjireyaasha waddamada Carabta oo iyaguna halkaasi ka hadley ayaa soo dhoweeyay horumarka amniga, siyaasadda iyo midka baahinta xukunka ee ay ku tilaabsatey Soomaaliya, iyagoo intaa raaciyey in Soomaaliya aaney xiligan waqti u haynin inay lugaha la gasho khilaafaadyo kale oo siyaasadeed oo dib u dhac ku keeni kara horumarka la gaarey.

Danjireyaasha waddamada Djibouti (Dayib Dubad Rooble), Imaaraadka Carabta (Maxamed Al Cuthmaan) iyo Wakiilka Jaamacadda Carabta u fadhiya Soomaaliya, Maxamed Cabdalla Idiris ayaa iyaguna sheegay in Jaamacadda Carabta ay laban laabeyso taageerada ay siiso Soomaaliya, si gaar ahna ay gacan uga geysaneyso hirgelinta hiigsiga 2016, oo ay ka mid tahay in Soomaaliya ay doorasho ka dhacdo.

Xasan Carab4 Carab3 Carab2 Carab1

-DHAMMAAD-

Daud Aweis
Afhayeenka Madaxtooyada