U bood dhigaalka

Madaxweyne Xasan Sheekh Oo Ka Baaqyday Safar Uu Ku Tagi Lahaa Sweden Xaaladda Amni Ee Dalka Ka Jirta Awgeed

Sheeko:Dalka

Madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa dib u dhigay safar rasmi ah oo uu ku tegi lahaa magaalada Stockholm ee dalka Sweden 1-da ilaa 3-da bisha March 2016.

Booqashadan ayaa looga gol lahaa xoojinta xiriirka iyo iskaashiga labada dal.

Soomaaliya iyo Sweden waxaa ka dhexeeya xiriir qota dheer, siiba dhinacyada horumarinta, dib u dhiska, soo dhoweynta qaxootiga Soomaalida ee Sweden iyo gargaarka aadmiga.

Madaxweynaha ayaa waxaa u qorsheysneyd inuu kulamo la yeesho Boqorka Sweden, Ra’iisul Wasaaraha iyo xubno ka tirsan xukuumadda Sweden, kana wadahadlaan horumarka Soomaaliya ay ka sameysey dhinacyada siyaasadda, dib u heshiisiinta, xoojinta taageerada Sweden ee dhinaca maalgashiga dhaqaalaha gaarka ah iyo arrimo kale.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud waxaa uu shacabka iyo dowladda Sweden uga mahad celiyay martiqaadka loo fidiyey, balse waxaa uu si weyn uga xun yahay dib u dhaca ku yimid socdaalkiisa, sababo la xiriira xaalado soo kordhey awgood.

Waxaa uu Madaxweynaha sheegay in marka ay xaaladda saamaxdo uu tegi doono Sweden.
————————– DHAMMAAD———————-————-

Daud Aweis
Afhayeenka Madaxtooyada