U bood dhigaalka

Madaxweyne Xasan Sheekh Oo Ka Hadlay Is-casilaaddii Marwo Caasho Gelle

Sheeko:Dalka

Madaxweynaha Jamhuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay in si rasmi ah loogu soo wargeliyey is- casilaadda Marwo Caasho Geelle Diiriye oo ahayd Guddoomiyihii Guddiga Madaxbanaan ee Dib u Eegista Dastuurka.

“Aad baan uga xumaadey is-casilaadda Marwo Caasho Geelle. Waa go’aan ay iyadu gaartey, waana xishmeyneynaa go’aankeeda. Waxaan uga mahadcelineynaa dadaalka badan ee ay gelisey abaabulka guddiga iyo bilaabistii hawlaha muhiimka ee guddiga horyaalla’’.

Madaxweynaha ayaa sheegay in Guddiga Madaxbanaan ee Dib u Eegista Dastuurka uu muhiim u yahay mustaqbalka waddanka.

“Dib u eegista iyo meel marinta Dastuurka Cusub ee Federaalka waa aasaaska dadaalkeena ku wajahan dhismaha qaranka. Dastuurka waa qeyb muhiim ah oo dhismaha hay’adaha dowliga sal u ah; waxaa loogu talagaley inuu qaabeeyo sida Soomaaliya u ekaan doonto, sida aan qaran ahaan u shaqeyn doonno, qiyamkeena iyo mabaadi’deena intaba. Labada hadaf ee kale ee muhiimka u ah gaarista Hiigsiga 2016 ee dhammeystirka dhismaha dowlad goboleedyada iyo qabsoomidda doorashooyin qaran waxay ku xiran yihiin in laga guul gaaro dib u eegista iyo ansixinta Dastuurka Cusub ee Federaalka’’, ayuu yiri Madaxweynaha.

“Waxaan haatan diiradda saareynaa in degdeg loo helo qofkii qaban lahaa xilka hoggaaminta guddiga, waana inaan helnaa shakhsi ku habboon shaqadan, isla markaana hannaanka dib u eegista dastuurka horey ugu dhaqaajin kara si degdeg ah oo hufan. Dhammeystirka agabyada muhiimka u ah Hiigsiga 2016 ma ahan kuwo sinna looga baaqsan karo, waana waajib in xoogga la saaro haddii aan dooneyno inaan si cad Soomaaliya ugu hoggaamino waddada nabadda iyo barwaaqada. Ma jiro qorshe kaa ka duwan oo aan horey ugu sii dhaqaaqeyno, ” ayuu raaciyey Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

Hannaanka sidii loo heli lahaa qofkii beddeli lahaa guddoomiyaha is casishey ayaa waxaa maareyn doona hay’adaha sida dastuuriga ah awoodda u leh fulinta hawshan. Waxaana Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud uu ka dalbadey hay’adahaasi inay degdeg hawshan ugu guda galaan, isla markaana ay xaqiijiyaan in magacaabista muddo toddobaad gudaheed lagu soo dhammeystiro.

-DHAMMAAD-
Daud Aweis
Afhayeenka Madaxtooyada
Jamhuriyadda Federaalka Soomaaliya
Email: [email protected]