U bood dhigaalka

Madaxweyne Xasan Sheekh Oo Ka Qeybgalay Caleema Saarka Madaxweynaha Uganda

Sheeko:Dalka

Madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta magaalada Kampala ee caasimadda dalka Uganda waxa uu kaga qeybgalay caleema saarka madaxweynaha dalkaasi Yuweri Museveni.

Munaasabadda caleema saarka Museveni ayaa ka dhacday garoon lagu ciyaaro kubadda cagta oo ku yaalla magaallada Kampala.

Madax ka socotay dalal badan oo Afrika ah ayaa ka qeybgalay xafladdan caleema saarka ahayd.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa la filayaa in magaallada Kampala uu kula kulmo qaar ka mid madaxda Afrika ee munaasabaddaasi ka qeybgashay.

Madaxda maanta magaallada Kampala isugu tagay ayaa kala ahaa Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, Madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyatta, Madaxweynaha Sudan Al-bashiir, Madaxweynayaasha dalalka Koonfurta Sudan, Koonfur Africa, Tanzania, Niger iyo kuwo kale.

Bishii April ayaa doorasho ka dhacday dalka Uganda waxaa mar kale xilkaasi ku guuleystay Yuweri Museveni.

Goobjoog News