U bood dhigaalka

Madaxweyne Xasan Sheekh Oo Ka Qeybgalaya Shir Ku Saabsan Amniga Oo Ka Furmaya Dalka Jarmalka

Sheeko:Dalka

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hoggaaminayo oo gaarey magaalada Munich ee dalka Jamhuuriyadda Federaalka ee Jarmalka, isagoo ka qeybgalaya Shirka 52-aad amniga ee Munich (Munich Security Conference).

Shirkan caalamiga ah ayaa waxaa kasoo qeybgalaya ilaa 30 hoggaamiye oo waddamada dunida ka socda, iyo ilaa 70 wasiirro dibadeed iyo difaaca.

Arrimaha ugu waaweyn ee diiradda lagu saarayo shirka sannadkan waxaa ka mid ah xasiloonida dalalka Saxaraha ka hooseeya oo ay Soomaaliya ku jirto, qaabka Yurub ay uga jawaabtey qulqulka qaxootiga ku soo badanaya Yurub, dagaalka Syria, xakameynta hubka, iyo cudurada ku sii baahaya dunida.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa la filayaa in inta shirkan uu socdo uu hadal ka jeediyo, isagoo ka warami doona xaaladda amniga Soomaaliya iyo gobolka Geeska Afrika guud ahaan.

Wafdiga Madaxweynaha waxaa ka mid ah Wasiirka Arrimaha Dibedda, Mudane Cabdisalaam Hadliye Cumar, La Taliyaha Madaxweynaha ee Arrimaha Difaaca iyo Amniga S/Guuto Cabdiraxmaan Sheekh Ciise iyo mas’uuliyiin kale oo ka tirsan madaxtooyada.

Shirkan ayaa waxaa barbar socon doona kulamo gaar gaar ah oo ay yeelan doonan madaxda iyo wakiillada dalalka ka qeybgalaya, iyagoo ka wadaxaajoon doona xoojinta iskaashiga la xiriira yareynta iyo ka hortagga colaadaha

—DHAMMAAD—