U bood dhigaalka

Madaxweyne Xasan Sheekh Oo Ka Qeybgali Doona Shir Ka Dhacaya India

Sheeko:Dalka

Madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo ku sugan magaalada Riyadh ee dalka Sacuudiga ayaa la filayaa inuu halkaasi kaga sii amba baxo Magaalada New Delhi ee dalka India.

Waxa uu madaxweynaha magaaladaasi kaga qeybgali doonaa shir madaxeedka dowladda India iyo sidoo kale wadamada Afrika, oo arrimo badan looga hadli doono.

Shirkaan ayaa ah mid looga hadli doono arrimaha ku aadan dhaqaalaha dalka Africa iyo maalgashi ay dowladda India ku sameyn doono dalalka Afrika.

Dhinaca kale madaxweynaha dowladda Federaalka ayaa inta uu ku sugan yahay magaalada Riyadh waxa uu halkaais kula kulmi doonaa madax kala duwan oo Boqortooyada Sacuudiga ka mid ah, kuwaasi oo ay ka wada hadli doonaan arrimo la xiriira Laba dal.

Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale

Goobjoog News