U bood dhigaalka

Madaxweyne Xasan Sheekh Oo Ku Wajahan Magaalada Kismaayo Ee Jubada Hoose

Sheeko:Dalka

Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa la filayaa in uu gaaro magaalada Kismaayo ee xarunta gobalka Jubada Hoose.

Madaxweynaha ayaa saacadaha nagu soo wajahan tagi doona magaaladaasi, iyadoo ammaanka Kismaayo uu yahay mid aad loo adkeeyay.

Kismaayo Waxaa looga diyaar garoobay sidii loo soo dhaweyn lahaa madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, iyadoo halkaasi uu kulan kula yeelan doono madaxda Jubbaland.

Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale

Goobjoog News