U bood dhigaalka

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ku wajahan Maraykanka, Akhriso ujeedka socdaalkiisa

Sheeko:Amniga

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa lagu wadaa in todobaadka soo socda uu safar ugu ambabaxo dalka Maraykanka.

Xasan Sheekh ayaa kulama la qaadan doona mas’uuliyiin ka tirsan dowladda Maraykanka, waxaana la filaya inta uu ku sugan yahay dalka Maraykanka uu la kulmo qaar kamid ah senate-ka dalka Maraykanka.
Socdaalkaan ayaa la filaya in uu galo madaxweynaha marka uu ka soo noqdo caleemasaarka madaxweynaha cusub ee Kenya William Ruto.
Goobjoog News