U bood dhigaalka

Madaxweyne Xasan Sheekh Oo Kulamo La Qaatay Waxgaradka Hiiraan

Sheeko:Dalka

Madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxmauud oo shalay gaaray magaalada Baladweyne ee gobalka Hiiraan, ayaa xalay halkaasi ku hoyday, isaga oo kulamo la qaatay Odayaasha dhaqanka ee gobalkaasi.

Kulamadaan ayaa ahaa kuwo diiradda lagu saarayay heshiiskii dhawaan ka dhacay magaalada Baladweyne iyo sidoo kale qaabkii ay ku dhaqan geli lahaa heshiiskaasi.

Saaka ayuu sidoo kale madaxweynaha kulamo kale la qaadan doonaa Odayaasha dhaqanka Hiiraan, waxaana qaar ka mid ah Odayaashani inoo sheegeen in madaxweynaha ay kala hadli doonaan arrimo ku aadan wareegtadii uu dhawaan ku magacaabay caasimadda Maamulka Sh/dhexe, Hiiraan iyo sidoo kale halka maamulkaasi caasimadda u noqoneyso.

Ammaanka magaalada Baladweyne ayaa aad loo adkeeyay, waxaana magaalada lagu arkayaa ciidanka dowladda iyo kuwa AMISOM.

Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale

Goobjoog News