U bood dhigaalka

Madaxweyne Xasan Sheekh Oo Kulamo Wadatashiyo Ah La Yeeshay Waxgaradka Hiiraan

Sheeko:Dalka

Madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya oo habeenkii Labaad xalay ahaa ku hoyday magaalada Baladweyne ee xarunta gobalka Hiiraan ayaa kulamo wadatashi ah la yeeshay qaar ka mid ah waxgaradka, Odayaasha dhaqanka iyo siyaasiyiinta gobalka Hiiraan.

Kulamadaan oo shalay subaxdii billawday ayaa socday illaa habeenkii xalay ahaa, waxaana madaxweynaha kulamadaan ku wehlinayay wasiirka arrimaha gudaha iyo Federaalka ee Xukuumadda Soomaaliya Cabdiraxmaan Maxamed Xuseen Odowaa.

Arrimaha ugu muhiimsan ee kulamadani looga hadlay ayaa waxaa ka mid ah sidii reer Hiiraan ay si mideysan uga qeybgali lahaayeen shirka maamul u sameynta Shabellaha Dhexe iyo Hiiraan, kaasi oo magaalada Jowhar lagu qaban doono.

Inta badan kulamadaan ayaa kusoo dhamaaday is faham, iyadoo la filayo in madaxweynaha uu gabagabada safarkiisa saxaafadda la hadlo.

Maalmaha soo aadan ayaa magaalada Jowhar waxaa lagu qaban doonaa shirka maamulka loogu sameynayo gobalada Shabellaha Dhexe iyo Hiiraan.

Goobjoog News