U bood dhigaalka

Madaxweyne Xasan Sheekh Oo La Kulmaay Wasiirada Dowlad Deegaanka Soomaalida Itoobiya

Sheeko:Dalka

Madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo booqasho ku jooga magaalada Jigjiga ee xarunta dowlad deegaanka Soomaalida Itoobiya ayaa la kulmay wasiirada maaamulkaasi.

Madaxweyne Xasan ayaa u jeediyey wasiirada khudbad uu kaga hadlay arrimo badan oo dalka ku saabsan, sidoo kalena waxa uu ka hadlay horumarada jira.

Waxa uu madaxweyne Xasan ugu hambalyeeyay maamulka iyo shacabka Soomaalida Itoobiya horumarka ay deegaanka ka sameeyeen.

Kulankan ayaa intii uu socday waxaa lagu soo qaaday iskaashiga dowladda Federaalka Soomaaliya iyo maamulka deegaanka Soomaalida Itoobiya ee ku aadan ka shaqeynta nabadda iyo dagaallada ka dhanka ah Xarakada Al-shabaab.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa shalay lagu soo dhaweeyay magaalada Jigjiga, waxaana weli jira kulamada uu la qaadanayo madaxda iyo qeybaha kala duwan bulshada ku dhaqan magaaladaasi.

Goobjoog News