U bood dhigaalka

Madaxweyne Xasan Sheekh oo la kulmay Lafta-gareen iyo Shariif Xasan

Sheeko:Amniga

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Fadeeralka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo Guddoomiyaha golaha shacabka Baarlamaanka Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe), ayaa kulan la qaatay madaxweynaha dowlad gobaleedka Koonfur Galbeed iyo qaar kamid ah siyaasiyiinta mucaaradka ee maamulkaas.

Xasan Sheekh iyo Aadan Madoobe ayaa kala hadlay labada dhinac in ay xalka khilaafka siyaasadeed lagu dhameeyo wadahadal.

Kulanka ayaa waxaa ka qayb galay madaxweynaha dowlad gobaleedka Koonfur Galbeed Cabdi casiis Xasan Maxamed Lafta-gareen, Madaxweynihii hore Koonfur Galbeed Shariif Xasan Sheekh Aadan, Wasiirkii hore ee Maaliyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Aadan Fargeeti iyo Wasiirkii hore ee Dekadaha Xukuumadda Federaalka Yuusuf Macallin Aamiin (Baadiyo).

War ka soo baxay madaxtooyada Soomaaliya ayaa lagu sheegay in kulanka uu ku soo dhamaaday isfaham bilaw u ah wadahalada ka dib u heshiisiinta.

Goobjoog Newwws