U bood dhigaalka

Madaxweyne Xasan Sheekh oo la kulmay Odayaasha Dhaqanka Koonfur-galbeed

Sheeko:Amniga

Madaxweynaha jamhuuriyadda faderaalka Soomaaliya Xasan Sheekh  Maxamuud ayaa kulan la qaatay odayaasha dhaqanka ee koonfur galbeed.

Xasan Sheekh ayaa ku booriyay odayaasha in ay qaataan doorkooda ku  aaddan kaalinta ay ku leeyihiin nabadeeynta iyo wadatashayida xalka loogu heelayo xiisadda siyaasadeed ee koonfur galbeed.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa sheegay in ay odayaasha ay saldhig u yihiin dib u heshiisnta iyo nabadda maamulka koonfur galbeed.

Odayaasha ayaa dhinacooda madaxweynaha jamhuuriyadda la wadaagay aragtidooda xal u helidda xiisadda taagan iyo gogoasha wadatashi ee ka furan magaalada baydhabo.

Kulanka ayaa waxaa  ka qayb galay guddoomiyaha golaha shacabka sheekh Aadan Maxamed Nuur iyo madaxweynaha Koonfur galbeed Cabdi Casiis Xasan Maxamed Lafta-gareen.
Goobjoog News