U bood dhigaalka

Madaxweyne Xasan Sheekh Oo La Kulmay Saraakiisha Ciidanka Xoogga Dalka Iyo Kuwa AMISOM (Sawirro)

Sheeko:Dalka

Madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa habeenkii xalay ahaa waxa uu xarunta madaxtooyada ee Villa Soomaaliya kulan kula qaatay saraakiisha ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed iyo kuwa AMISOM.

Kulankaasi waxaa goobjoog ka ahaa safiirada dalalka ay ciidanka ka joogaan Soomaaaliya, xubno ka mid ah Labada gole ee dowladda Soomaaliya iyo taliyeyaasha ciidanka qalabka sida.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa kula dardaarmay saraakiisha ciidamada in ay xoojiyaan amniga guud ee dalka, sidoo kalena mar walbo difaac uga jiraan qatar walbo oo Al-shabaab ka imaan karta.

Waxa uu sheegay Madaxweynaha sidoo kale in ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM laga doonayo in si aad ah u adkeeyaan amniga meelaha ay ka dhici doonto doorashada.

Ugu Dambeyn Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa soo hadal qaaday shirka bisha soo socota la filayo in lagu qabto magaalada Muqdisho ee madaxda wadamada IGAD ah, wuxuuna sheegay in shirkaasi lagu qiimeyn doono xaaladda amni ee Soomaaliya.

C7 C6 C5 C4 C3 C2 C1

Goobjoog News