U bood dhigaalka

Madaxweyne Xasan Sheekh Oo Maanta Magaalada Qahira Kula Kulmaya Dhigiisa Dalka Masar (Sawiro)

Sheeko:Dalka

Xasan4War-saxaafadeed:- Muqdisho Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Shiikh Maxamuud iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa soo gaaray magaaladda Qaahira ka dib casuumaad uu ka helay dhiggiisa dalkan Masar.

Wafdiga madaxweynaha ayaa waxaa ka mid ah, sii-heyayaasha Wasaaradaha Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah, Caddaaladda iyo Dastuurka, Maaliyadda iyo Tacliinta Sare.

Madaxweynaha waxaa garoonka diyaaradaha ee magaalada Qaahira ku soo dhoweeyey Wasiirka Taclinta Sare ee Masar Dr Mohamud Abu Nasri, Safiirka Dowladda Soomaaliya u fadhiya dalkan Masar Cabdullahi Xasan Maxamuud iyo mas’uuliyiin kale.

Maanta oo Isniin ah aya la filayaa in Madaxweyne Xasan uu kulamo la yeesho madaxweynaha Masar General Abdulfattah Al Sisi, Xoghayaha Guud ee Jaamacadda Carabta Dr Nabil Al Carab iyo mas’uuliyiin kale.

Labada dal ayaa ka wada hadli doona xoojinta iyo iskaashiga labada dal ka dhexeeya.

Dhammaad

Halkaan Hoose ka daawo Sawirada

Xasan1

Xasan2

Xasan3

Xasan4