U bood dhigaalka

Madaxwayne Xasan Sheekh oo Muqdisho kula kulmay mas’uul ka tirsan congress-ka Maraykanka

Sheeko:War

madaxweMadaxwaynaha  Soomaaliya mudane Xasan SHeekh Maxamuud ayaa  kulan la qaatay Frank Lobionda oo ka tirsan Kongareska Maraykanka, xubina ka ah guddiyada qaabilsan arimaha ciidamada iyo war-doonka Maraykanka.

Kulanka dhex maray Madaxwayne Xasan SHeekh Maxamuud iyo Frank Lobioda ayaa  waxa goob joog ka ahaa wasiirka gaashaandhiga iyo qaar ka tirsan taliyeyaasha ciidamada qalabka sida, iyadoo kulankanka xoogga lagu saaray xaaladda amniga dalka iyo taageerada dowlada Maraykanka ee ku aadan horumarinta hay’adaha amniga ee Soomaaliya.

Sida lagu daabacay warbaahinta ku hadasha afka dowladda, Kulankan oo talooyin kala duwan la isku dhaafsaday ayuu madaxwayne Xassan SHeekh Maxamuud  uga mahad celiyay dowladda Maraykanka taageerada ay siiso Soomaaliya, isagoo muujiyay sida loogu bahaan yahay in la kordhiyo lana sii wado.

Agaasimaha guud ee madaxtooyada Soomaaliya Cali Maxamed Cumar ayaa sheegay in u jeedada mudane Frank uu u yimid Soomaaliya ay tahay sidii uu u ogaan lahaa xaaladda dhabta ah  ka jirta Soomaaliya, gaar ahaan dhinaca  amaanka.

Agaasimaha ayaa intaa ku daray in Mr Franka Lobionda oo ka tirsan Kongareska Maraykanka  loo sharaxay xaaladda Soomaaliya iyadoo madaxwayanaha Soomaaliya mudane Xasan Sheekh Maxamuud uu u sheegay in taageerada dhanka ciidamada oo  dowladda Maraykanka ay siiso Soomaaliya uu ugu mahad celiyay.

Dowladda Maraykanka ayaa dhinacyo badan  ka caawisa dalkeena, gaar ahaan dhinaca tayanta ciidamada,  iyadoo madaxwayne Xassan SHeekh Maxamuud safarkiisii uu dhowaan ku tegay dalkaasi Maraykanka uu bixiyay balanqaadyo hor leh, taasoo muujineysa xiriirka labada wadan ka dhaxeeya uu dib u soo laabtay .