U bood dhigaalka

Madaxweyne Xasan Sheekh oo magacabay Xil cusub

Sheeko:Amniga

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Faderaalka Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa magacaabay xilka La-Taliyaha Sare ee Madaxweynaha ee ka Hortagga iyo La dagaalanka Fikradaha Xagjirka ah ee Rabshadaha Wata.

Xasan Sheekh ayaa xilkaan u magacaabay wasiirkii hore ee amniga Soomaaliya Cabdullaahi Maxamed Nuur.

Xafiiskaan ayaa ka shaqeyn dono ka hortagidda figradaha xagjirka ah ee rabshadaha wata, waxaana uu doorwayn ka qaadanaya dagaalka ka dhanka ah ururka alshabaab ee ka socda dalka.

La-Taliyaha Sare ee Madaxweynaha ee ka Hortagga iyo La dagaalanka Fikradaha Xagjirka ah ee Rabshadaha Wata Cabdullaahi Maxamed Nuur, ayaa kamid ah siyaasiyinta ugu saameynta badan dowladda sanadihii la soo dhaafay.

Goobjoog News