U bood dhigaalka

Madaxweyne Xasan Sheekh Oo Muddo Kordhinta Farmaajo Ku Tilmaamay Afgambi

Sheeko:Dalka

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa bartiisa Faceboog ku qoray in muddo kordhin xoog ah ay u aqoonsanayaan afgambi.

warka Madaxweyne Xasan ayaa sidaan u qornaa “Mas’uuliyiinta dowladda waxaa loo doortaa hoggaaminta dalka muddo cayiman oo ku xusan dastuurka. Isku dayga ah in muddadaas xoog lagu kororsado waxaan u aqoonsannahay afgambi ciidan. Cawaaqibta ka dhasha arrintan waxaa mas’uuliyaddeeda qaadaya madaxweynaha waqtigiisu dhamaaday”.

Mudane Xasan ayaa intaas raaciyey in Caawaqib xumida ka dhalata uu mas’uuliyadeeda qaadi doono Farmaajo.

 

Goobjoog News