U bood dhigaalka

Madaxweyne Xasan Sheekh oo safar ku tagay degmada Garbahaarey ee gobalka Gedo

Sheeko:War

gaarayMadaxweynaha Dowladda Soomaaliya Xasan Sheikh Maxamuud iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa gaaray magaalada Garbohaarrey ee xarunta gobolka Gedo.

Madaxweynaha ayaa markii uu halkaas tagay waxaa ku soo dhoweeyay garoonka diyaaradaha ee Garbahaarreey, Xubnaha gobolka, Saraakiisha ciidammada qalabka iyo qeybaha kala duwan ee bulshada.

Madaxweynuhu ayaa isla Garbahaarey waxa uu kula kulmay maamulaka gobolka Gedo iyo dadka deegaanka oo uu kala hadlayo arrimo dhowr ah oo ay ugu horreeyaan nabad gelyada gobolka iyo arimo kale oo quseeya dhanka nolosha dadka ku nool gobalkaas.

Waa markii ugu horeysay uu M/weyne Xasan Sheekh booqasho ku tago gobalka Gedo tan iyo markii uu dalka Madaxweyne ka noqday.