U bood dhigaalka

Madaxweyne Xasan Sheekh Oo Shacabka Shabellaha Hoose Ka Codsaday Inay Ka Shaqeeyaan Amniga

Sheeko:Dalka

Madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo shacab badan kula hadlay degmada Afgooye ayaa gobalka Shabellaha Hoose, waxa uu ka dalbaday inay ka shaqeeyaan amniga si loo helo kala dambeyn iyo nabad waarta.

Madaxweynaha ayaa aad uga hadlay arrinta ku aadan Isbaarooyinka iyo sidoo kale Al-shabaab.

Isbaarada ayuu sheegay in marnaba aanay cudurdaar yeelan doonin, islamarkaana cagta la marin doono cid walba oo isbaaro dhiganaysa.

Shaqsi walba oo Isbaaro dhigta ayuu sheegay in aanu ka mid ahayn ciidamada xoogga dalka, islamarkaana la qabanayo, lalana dirirayo.

Saraakiisha ciidamada madaxda u ah ayuu sheegay madaxweynaha in eedda ay qabanayso, maadaama mas’uuliyadda sarkaalka tahay inuu askari shaqadiisa ku ilaaliyo.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa sheegay in shacabka gobalka Shabellaha Hoose looga baahan yahay in aysan qabiil ka dhigin ciidamada xoogga dalka, islamarkaana hadii uu jiro shaqsi xumaato wada isaga un laga dhex bixin doono, balse aan qabiil gaar ah loogu yeerin.

“Waa la saxayaa hadii qaab darro iyo is daba marin ay ku dhacday ciidankii gobalka, waxaan rabnaa in amniga laga wada shaqeeyo, shacabkana waxaa loo sheegayaa in ciidanka aysan qabiil u kala saarin ee kii wax xun sameeyay lasoo sheego si loo qabto” ayuu yiri Madaxweynaha.

Sidoo kale Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa ka dalbaday dadka deggan Shabellaha Hoose in ay keenaan ciidan tababar la siiyo, kana mid noqda kuwa xoogga dalka Soomaaliyeed.

Ugu dambeyn ayaa madaxweynaha mar uu ka hadlay dagaallada ka dhanka ah Al-shabaab waxa uu qiray in askar badan ay naftooda ku waayeen sidii ay Al-shabaab uga saari lahaayeen meelaha ay kaga suganyihiin gobalada dalka.

Waxa uu bogaadiyay madaxweynaha ciidamada xoogga dalka oo uu sheegay in ay habeen iyo maalin u taagan yihiin sidii ay u harsan lahaayeen, nabadna ugu seexan lahaayeen shacabkooda Soomaaliyeed.

Goobjoog News