U bood dhigaalka

Madaxweyne Xasan Sheekh Oo Shacabka Soomaaliyeed Ku Bogaadiyey Ka Qeybqaadashada Dib u Dhiska Dalka

Sheeko:Dalka

Madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo habeenkii xalay ahaa xarunta dowladda Hoose ee Xamar uga qeybgalay munaasabad lagu maamuusayey maalinta dhallinyarada Soomaaliyeed ayaa ka hadlay arrimo badan oo ku saabsan dalka sida dib u dhiska iyo ka shaqeynta dowladnimada.

Madaxweynaha ayaa shacabka Soomaaliyeed ku bogaadiyey ka qeybqaadasha dib u dhiska dalka, isaga oo sheegay in cid walbo oo Soomaaliyeed waajib ka saaran yahay arrinkaasi, isaga oo dowladana sheegay in laga doonayo inay fududeyso waxyaabihii lagu fulin lahaa arrimahaasi.

Waddoyinka ay shacabka ku dhiseen dalkaaga dhiso ayuu madaxweyne Xasan Sheekh ku sheegay inay ka wanaagsan yihiin Boqolaal KM oo loo dhiso, sababtuna waxa uu ku sheegay in shacabka ay ku dhiseen iskaa wax u qabso.

Dhinaca kale madaxweyne Xasan Sheekh ayaa ku bogaadiyey dhallinyarada Soomaaliyeed in aanay ka seexan qarankooda oo ay u istaagaan dib u dhiska iyo nabad galyada.

Mar uu madaxweyne Xasan Sheekh ka hadlay arrimaha amaanka ee dlaka ayuu sheegay in dalka weli ay ka socoto dib u xoreyn islamarkaana haatan meel wanaagsan ay u mareyso.

“Dib u xoreynta dalka waa ay socotaa, waa howl culus, waxaa ku daatay dhiig badan, waxaa ku baxay xoolo badan laakiinse aayo dambe ayeey leedahay” ayuu yiri Madaxweyne Xasan Sheekh.

Ciidamada qalabka sida oo dhallinyaro u badan ayuu madaxweyne Xasan Sheekh ku amaanay dadaalka ay ugu jiraan nabadeynta dalkooda, isaga oo tilmaamay in ciidanka qalabka sida ay dib usoo dhismayaan, lagana baxayo ciidankii qabiilka dowladana ay billowday in ciidanka la isku dhafo.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ku bogaadiyey dhinaca kale shacabka Soomaaliyeed inay ka shaqeeyaan waxa isku haynaya dadka siyaasiyiinta ah ee isku wadaya, sheegayna in laga soo quustay qabiil iyo kala geyn intaba.

Goobjoog News