U bood dhigaalka

Madaxweyne Xasan Sheekh Oo Sheegay In Dowladda Ay Fulisay Lixdii Tiir Ee Uu Ballan Qaaday

Sheeko:Dalka

Madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay in dowladda ay fulisay Lixdii Tiir ee uu horay ugu ballan qaaday shacabka, taasi oo la xiriirta wax ka qabashada arrimo badan oo dalka ka jiray.

Madaxweynaha oo xalay u dabaal degay Seddax Sano guuradii kasoo wareegtay markii xilkaasi loo doortay ayaa ka hadlay arrimo aad u badan oo ku saabsan marxaladda dalka.

Waxa uu sheegay in wax badan laga qabtay arimaha amniga, dhaqaalaha, waxbarashada dib u dhiska iyo arrimo kale oo muhiim ah.

Mudadii uu xilkaan haayay ayuu sheegay madaxweynaha in dowladda uu hogaamiyo la timid isbedallo dhan walbo leh.

Madaxweynaha ayaa mar uu soo hadal qaaday xarumaha danta guud ah ee ay degan yihiin ciidamada AMISOM, ayaa waxa uu tilmaamay in sida ugu dhaqsiyaha badan ay ciidamada AMISOM uga guurayaan.

Xaruntii Jaacamadda Gaheyr ayuu sheegay in ciidamada AMISOM ay billaabeen inay ka guuraan, halkaasi oo dib u dhis aad u ballaaran laga sameyn doono.

Sidoo kale Madaxweynaha ayaa sheegay in ciidamada AMISOM ay ka baxayaan Istadiyuum Muqdisho oo muddo badan ay degan yihiin ciidamadaasi.

Goobjoog News