U bood dhigaalka

Madaxweyne Xasan Sheekh Oo Sheegay In Weji Cusub Uu Ugudbayo Wada Hadallada Ay Kula Jiraan Somaliland

Sheeko:Dalka

Madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay in weji cusub uu ugudbi doono wada hadallada u dhaxeeya dowladda Federaalka Soomaaliya iyo maamulka Somaliland, isaga oo dhanka kale rajo ka muujiyay mira dhalka wada hadalladaasi.

Waxa uu tilmaamay madaxweyne Xasan Sheekh in meel wanaagsan uu marayo wada hadallada, sidoo kalena ay ku haminayaan in natiijooyin wax ku ool ah ay kasoo baxaan.

Inatas waxa uu warkiisa ku daray Madaxwaynaha in dadaal ay ku bixin  doonaan,  sidii Maamulka Somaliland uu uga mid noqon lahaa dhinacyada ka soo qayb gala kulamada looga  hadlaya aaya ka tashiga Soomaaliya

“Anaga wadiiqadaan aan billawnay waa mid Soomaalida dhan ay ku jirto, Dabcan walaalaheen Somaliland mabda ahaan waa ka midah wadiiqadaan, meel wanaagsan ayeey marayaan wada hadalladii inoo socday, rajadana meel wanaagsan ayeey maraysaa” ayuu yiri Madaxweynaha.

Maamulka Somaliland ayaa sheega in Soomaaliya inteeda kale uu ka go’ay, waxaana jira wada hadal ay kula jiraan dowladda Federaalka ah, inkastoo wada hadalladii ugu dambeeyay ee Turkiga lagu kala kacay, ka dib is faham waa soo kala dhex galay Labada dhinac.

Goobjoog News